Home » Archives by category » Wararka

Khilaaf iyo buuq ka taagan maamulka Hir-shabelle.

Khilaaf iyo buuq ka taagan maamulka Hir-shabelle.

  Wararka aanu ka heleyno magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-shabelle ayaa sheegaya in buuq iyo is qabqabsi uu ka dhex taagan yahay xildhibaannada Baarlamaanka maamulka Hir-shabelle. Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka maamulkaas ayaa eedeyn u jeediyay Guddoomiyaha Baarlamanka Hir-shabeele Sheekh Cismaan Barre waxayna sheegeen inuu caburin ku hayo xildhibaanada Baarlamanka Hir-shabeele. Guddoomiyaha baarlaamaanka […]

Maxaad ka taqaanaa Diiwaanka guud ee Boqortooyada Beesha Gaaljecel..?!

Maxaad ka taqaanaa Diiwaanka guud ee Boqortooyada Beesha Gaaljecel..?!

Boqortooyada Beesha Gaaljecel waxay aasaasantay xilligii dowladdii Cabaasiyiinta ee khilaafada islaamka, Boqortooyadaasoo ahayd mid ku timid Diiniya (Dacwa Islaamiyah) taasoo hoos imaaneysay amiiraadii ama khulafadii dowlah Cabaasiyah. Boqortooyada Gaaljecel oo ah mid aad u fac weyn soona jirtay muddadaas ayaa waxaa tan iyo markaasi soo maray ilaa iyo 22-Ugaas oo la soo shaqeeyay Khulufadii waqtiyadaasi […]

Xildhibaanno erey xun u adeegsaday Madaxweynaha Hirshabelle iyo Dibadbax ka dhan ah Madaxweynaha oo Jowhar ka dhacay

Xildhibaanno erey xun u adeegsaday Madaxweynaha Hirshabelle iyo Dibadbax ka dhan ah Madaxweynaha oo Jowhar ka dhacay

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle oo shalay magacaabay Golaha wasiirrada maamulkiisa ayaa waxaa maanta diidmo ka hor geeyay qaar ka mid ah beelaha iyo dadweynaha degan magaalada Jowhar, kuwaasoo dhigay dibadbax looga soo horjeedo magacaabistaas golaha wasiirada cusub. Dadka isu soo baxay ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay ku diidan yihiin magacaabista uu madaxweynaha Hirshabelle shalay sameeyay […]

Akhriso magacyada Golaha wasiirada Maamulka Hirshabelle oo goor dhow lagu dhawaaqay

Akhriso magacyada Golaha wasiirada Maamulka Hirshabelle oo goor dhow lagu dhawaaqay

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa goor dhow kaga dhawaaqay magaalada Jowhar xubnaha cusub ee golaha wasiirada maamulkiisa. Cali C/llaahi Cosoble  dorraad uun dib ugu laabtay Jowhar oo muddo uu ka maqnaa ayaa magacaabay 23 wasiir, 23 wasiir ku-xigeeno iyo 6 wasiiru dowle, waxaana munaasabada looga dhawaaqay golaha wasiirada Hirshabelle ka qeyb galay […]

Beelweynta Gaaljecel oo taageertay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Beelweynta Gaaljecel oo taageertay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Beelweynta Gaaljecel ayaa si weyn u taageertay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo 8-dii bisha Febraayo 2017 la doortay. Beelweynta Gaaljecel waxa ay si weyn u soo dhaweeyeen doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaaajo oo ay ku tilmaameen shaqsi muhim ah oo Soomaalidu jeceshahay. Waxa ay sheegeen in Farmaajo uu yahay […]

Jaaliyadda Beelaha Gaaljecel ee Yurub oo la mideynayo iyo eedeymo hoose oo loo jeediyay….

Jaaliyadda Beelaha Gaaljecel ee Yurub oo la mideynayo iyo eedeymo hoose oo loo jeediyay….

Warar aanu ka helnay xubno ka tirsan Jaaliyadda beesha Gaaljecel ee ku nool Yurub ayaa shabakadda u adeegta danaha beesha Gaaljecel u sheegay in la qorsheynayo in isbedel lagu sameeyo maamullada Jaaliyadda beesha ee ka jira dalalka Yurub. Waxaa jira eedeymo iyo dhaliilo hoose oo loo jeediyay maamulada beesha ee dalalkaasi ka jira kuwaas oo […]

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle oo la kulmay odayaasha beelaha Gaaljecel iyo Jajeele

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle oo la kulmay odayaasha beelaha Gaaljecel iyo Jajeele

Madxaweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo booqasho uu ku tegay magaalada Baladweyne ka soo laabtay ayaa markii uu ka soo degay diyaaraddii geysay magaalada Muqdisho waxa uu hoolka Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho uu ku qabtay shir jiraa’id oo uu kaga hadlay arrimo kale duwan. Cali Cabdullaahi Cosoble  madaxweyanaha maamul goboleedka Hirshabeelle waxa uu […]

Akhriso qodobada heshiiska kama dambeysta ah ee la dhex dhigay beelaha Gaaljecel iyo Jajeele

Akhriso qodobada heshiiska kama dambeysta ah ee la dhex dhigay beelaha Gaaljecel iyo Jajeele

Waxaa si kama dambeys ah heshiis loo dhex dhigay beelaha Gaaljecel iyo jajeele oo muddooyinkii u dambeeyay ku dagaalamayay galbeedka magalaada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan. Guddi nabadeyn ah oo ka kooban dhammaan beelaha dega Gobolka Hiiraan oo  loo xil saaray nabadeynta beelaha Gaaljecel iyo Jajeele oo shirar dib u heshisiin ah muddo bil ah […]

Heshiisiinta Beelihii ku dagaalamay Galbeedka Baladweyne oo la soo gabagabeeyay

Heshiisiinta Beelihii ku dagaalamay Galbeedka Baladweyne oo la soo gabagabeeyay

Waxaa maanta si rasmi ah loogu soo gaba gabeeyay magalaada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan shirar dib u heshisiin ah oo muddo bil ah ka socday magaalada Baladweyne kaasoo lagu dhexdhexaadinayay beelaha Gaaljecel iyo Jajeele oo bil kahor ku dagalamay galbeedka Gobolka Hiiraan. Heshiiska kama dambeysta ah ee la dhex dhigay labada beelood ayaa ka […]

Madaxweynaha Jabuuti oo Deeq Daawo ah gaarsiiyay Gobolka Hiiraan (DAAWO SAWIRADA)

Madaxweynaha Jabuuti oo Deeq Daawo ah gaarsiiyay Gobolka Hiiraan (DAAWO SAWIRADA)

Deeq daawo ah oo ka timid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta la gaarsiiyay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Deeqdaas ayaa waxaa lagu wareejiyay Maamulka Gobolka Hiiraan oo ay wehliyaan dhakhaatiirta Gobolka iyo waxgaradka gobolka Hiiraan. Daawadan ka timid Madaxweyne ismaaciil Cumar Geelle  ayuu madaxweynuhu ugu talo galay dadka uu soo […]

Page 1 of 6123Next ›Last »

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone