DAAWO: Xildhibaan Daahir Amiin jeesow oo ku dooday in laga been abuuray

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo horey u shaaciyay in raggu is guursan karaan ayna tahay ilbaxnimo iyo dimoqraadiyad ayaa mar kale hadalkaasi beeniyay isagoo sheegay in lagaga been abuurtay hadaladii ay soo duubeen qaar ka mida warbaahinta ka dhisan dalka Soomaaliya kuwaasoo ku eedeeyey Xildhibaanka inuu yiri raggu ha isguursadaan.

Hadalka uu horey u shaaciyay xildhibaanka ee ah in raggu is guursan karaan ayaa laga baahiyey warbaahinnada dalka iyo kuwa caalamiga ah ee dibadda, waxaana muuqata in xildhibaanka markii ay la qaraaraatay hadalkaasi oo shareecada Islaamka xadgudub weyn ku ah, shaqsiyaddiisa iyo beesha uu ka soo jeedana sumcad xumo weyn ku ah uu beeniyay oo uu sheegay in hadallo  la isu geegeeyay uu yahay ee uusan sida loo dhigay u oran.

Xildhibaanka oo hadalkaasi ka jeediyey Golaha baarlamaanka hortiisa,  saxafiyiintii joogtayna ay soo duubeen hadalkiisaas lagana baahiyey warbaahinnada caalamiga ah sida  Al-jazeera, VOA-da, BBC-da iyo saxaafadda gudaha oo  hadalkaasoo duuban baahiyay ayuu dib dambe ka sheegay in hadal la isu geegeeyay uu yahay, balse qofkii si rasmi ah u dhagaysta uma muuqanayso hadal la isu geeyay ee waa mid uu yiri balse dib kala xumaaday xildhibaanka, laakiin waxaa habooneyd inuu ka towbad keeno oo uusan ku adkaysan in laga been abuuray oo hadallo la isu geegeeyay ay ahaayeen.

Bal dhageyso oo nala eeg labadaba waxa uu ku doodayo macquul ma yihiin.

Comments || Hoos ku qor aragtidaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone