About Us

Shabakadda GAALJECEL.COM waa shabakad u taagan magac beeleed ka tirsan beelaha Soomaaliyeed, waxaana dhismaha shabakaddan iska kaashaday aqoonyahanno iyo waxgarad ka tirsan beesha Gaaljecel.

Shabakaddani waxaa loogu talo galay in lagu ilaaliyo danaha beesha, ayna ku kala war qaataan qeybaha kala duwan ee bulshada Gaaljecel dal iyo dibad meel kasta oo ay joogaanba.

Waxaa shabakaddan loo aas-aasay in lagu ilaaliyo danaha guud ee beesha Gaaljecel xag dhaqan, dhaqaale, siyaasad iyo degaanba, waxaana sidoo kale loo sameeyay in lagu saxo qaladaadka kala duwan ee beesha ka dhex jira, laguna  baahiyo waxqabadka ay beeshu ku tallaabsato.

Sidoo kale shabakaddani waxay tooshka ku ifineysaa waxgaradka, aqoonyahannada, siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee beesha Gaaljecel waxayna soo bandhigeysaa waxtarkooda iyo dhaliilahooda si loo saxo qaladaadka ay xubnahaasi ka gaystaan dalka iyo degaannada beesha Gaaljecel.

Shabakaddani Jufo gaar ah uma xaglineyso, umana shaqeynayso,  shaqsiyaad gaar ahna danahooda  gaarka ah uma adeegayso, waa shabakad u  taagan dhammaan danaha beesha Gaaljecel.

Xarunta shabakaddani waxa ay ku taalaa caasimadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, waxaadna kala soo xiriiri kartaan Email: wararka@gaaljecel.com

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone