DAAWO: Beesha Gaaljecel oo maanta qaadacday shirka ka socda Jowhar (Hadalo kulul oo ay jeediyeen)

shirka-bMaanta oo ay taariikhdu ku beegnayd 30-ka Septembar 2016 ayaa siyaasiyiin, waxgarad, culumaa’udiin, dhalinyaro rag iyo dumar leh oo ka tirsan Beesha Galjecel waxa ay shir ku yeesheen Hotelka Galbeed ee magaalada B/weyne.

Shirkaas ayaa waxaa xubnihii ka qeyb galay ay ku sheegeen in ay qaadaceen shirka maamul  u sameynta Hiiran iyo Shabeellaha dhexe ee ka socda magalaada Jowhar.

Sidoo kale waxay waxgaradkaasi ka soo horjesteen in xildhibannada Hiiraan u matalaya  Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya aan lagu soo xuli arin meel ka baxsan magalada Baladweyne.

Shirkaas ayaa waxaa si weyn looga soo horjeestay waxa ay wadaan xildhibaannada iyo siyaasiyiinta kale ee beesha Gaaljecel ee ku sugan degmada Jowhar, waxayna fariin arrinkan ku saabsan u direen beesha Caalamka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ma aha markii ugu horreysay oo beesha Gaaljecel ay ka soo horjeestaan shirka maamul u samaynta gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe ee ka socda Jowhar, waxaana muuqanaysa in beeshu ku kala qeybsan tahay shirkaas oo xildhibaanadooda iyo ugaaska aanay beeshu dooran balse ugaas ahaanta u melaya ay taageersan yihiin.

NALA DAAWO SHIRKA KA DHACAY B/WEYNE EE MAR KALE LAGU QAADACAY SHIRKA MAAMUL U SAMAYNTA GOBOLLADA Hiiraan & Sh/dhexe:

Comments || Hoos ku qor aragtidaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone