Khilaaf iyo buuq ka taagan maamulka Hir-shabelle.

 

Wararka aanu ka heleyno magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-shabelle ayaa sheegaya in buuq iyo is qabqabsi uu ka dhex taagan yahay xildhibaannada Baarlamaanka maamulka Hir-shabelle.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka maamulkaas ayaa eedeyn u jeediyay Guddoomiyaha Baarlamanka Hir-shabeele Sheekh Cismaan Barre waxayna sheegeen inuu caburin ku hayo xildhibaanada Baarlamanka Hir-shabeele.

Guddoomiyaha baarlaamaanka Hir-shabelle ayaa lagu eedeeyay inuu u ololeynayo in xildhibaano ka mid ah maamulka Hir-shabeelle mooshin laga keeni karo, isagoo doonaya ayay yiraahdeen in xubbinimada xildhibaanka cod loo qaadi karo uuna ku weyn karo xildhibaanimadiisa, taasina waa mid ugub ku ah xildhibaanada mana aqbalayno” ayuu yiri xildhibaan Abuukar Xasan Cali..

Waa nasiibdarro ku dhacday shacabka Hir-shabeelle, waxaana dhacday in madaxda Hir-shabeelle ay kala garanayn maamulka guryahooda gaarka ah iyo maamulka dowlad goboleedka”ayuu sidoo kale yiri Xildhibaan Abuukar Xasan Cali.

Waxa kale oo xildhibaankani uu sheegay in aanay howl geli karin Golaha wasiirada ee uu magacaabay Madaxweynaha Hir-shabeelle ilaa buu yiri la ansixiyo, wuxuuna sidoo kale cadaaladdarro ku tilmaamay in beelaha qaarkoodna la siiyay ilaa 9 wasiir halka dowlada federalka beel walba aysan heleyn wax ka badan hal wasiir.

Dhanka kale diyaaradii ugu horreysay oo qaad wadda ayaa maanta ka degtay garoonka diyaaradaha degmada Jowhar, waxaana qorshahaas aad u soo dhaweeyay ganacsatada qaadka ee magaaladaas, iyadoo maanta uu qiimo jab weyn ku yimid qiimihii horey qaadka loo iibsan jirayxilligii magaalada Muqdisho looga keeni jiray.

“Tani waxa ay dhaqaalo u abuureysaa maamul gobolleedka hir-shabelle” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada qaadka oo sheegay in maamulka uu lacago canshuuro ah ka qaadanayo diyaaradda iyo weliba ganacsatada qaadka keensada.

Comments || Hoos ku qor aragtidaada

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone