Jaaliyadda Beelaha Gaaljecel ee Yurub oo la mideynayo iyo eedeymo hoose oo loo jeediyay….

Warar aanu ka helnay xubno ka tirsan Jaaliyadda beesha Gaaljecel ee ku nool Yurub ayaa shabakadda u adeegta danaha beesha Gaaljecel u sheegay in la qorsheynayo in isbedel lagu sameeyo maamullada Jaaliyadda beesha ee ka jira dalalka Yurub.

Waxaa jira eedeymo iyo dhaliilo hoose oo loo jeediyay maamulada beesha ee dalalkaasi ka jira kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ka gaabiyeen iska war qabkii iyo shirarkii ay joogtada u yeelan jireen iyo sidoo kale ka war heynta dadkooda ku dhibaateysan gudaha dalka Soomaaliyeed, ayna yareeyeen amaba la oran karo joojiyeen  u qaaraamiddii dadkooda ku dhibaateysan dalkii Hooyo, gaar ahaan xilliyada abaaruhu jiraan sida xilligan oo kale.

Wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in xubno ka tirsan maamulkaasi ay qorsheynayaan dib u yagleelidda iyo isu keenidda jaaliyadaha beesha Gaaljecel ee dalalka Yurub, ayna u samaynayaan maamul mideysan oo ay yeeshaan.

Gaar ahaan waxaa si weyn loo dhaliilay maamulka jaaliyadda beesha Gaaljecel ee dalka Ingiriiska oo wararka qaar ay sheegayaan in dhexdooda uu khilaaf hoose ka dhex jiro, iyadoo wararku tibaaxayaan in la baajiyey shir la doonayay in isbedel loogu sameeyo xubnihii maamulka Jaaliyadda beesha ee UK oo waxqabad la’aan lagu dhaliilay, iyadoo xil ka qaadis lagu samayn rabay  guddoonka sare ee maamulkaas la sheegay in si ulakac ah loo baajiyay.

“Waxaa jira xubno daacad  u ah danaha beesha Gaaljecel oo ka shaqeynaya midnimada beelweynta Gaaljecel ee dalalka Yurub, kuwaasoo si hoose ugu wada xiriira qadka isgaarsiinta isla markaana qorsheynaya  isu keenidda  xubnaha jaaliyadda beesha si ay ugu sameeyaan maamul mideeyo beelweynta Gaaljecel ee dalalka Yurub” sidaa waxaa shabakadda Gaaljecel.com u sheegay xubin ka tirsan maamulka beesha ee dalka Ingiriiska oo isagu si weyn u saluusan maamulkii beesha ee UK oo uu sheegay in muddooyinkan dambe aysan waxba qaban kana gaabiyeen u adeegidda horumarinta iyo danaha beesha Gaaljecel.

Wixii warar dheeraad ah ee arrintan ku soo kordha kala soco shabakadda  ku hadasha codka beelweynta Gaaljecel.

Shabakadda GAALJECEL.COM waa shabakad u taagan mideynta beelweynta Gaaljecel, waxaana dhismaha shabakaddan iska kaashaday aqoonyahanno iyo waxgarad ka tirsan beesha Gaaljecel.

Shabakaddani waxaa loogu talo galay in lagu ilaaliyo danaha beesha, ayna ku kala war qaataan qeybaha kala duwan ee bulshada Gaaljecel dal iyo dibad meel kasta oo ay joogaanba.

Waxaa shabakaddan loo aas-aasay in lagu ilaaliyo danaha guud ee beesha Gaaljecel xag dhaqan, dhaqaale, siyaasad iyo degaanba, waxaana sidoo kale loo sameeyay in lagu saxo qaladaadka kala duwan ee beesha ka dhex jira, laguna  baahiyo waxqabadka ay beeshu ku tallaabsato.

Sidoo kale shabakaddani waxay tooshka ku ifineysaa waxgaradka, aqoonyahannada, siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee beesha Gaaljecel waxayna soo bandhigeysaa waxtarkooda iyo dhaliilahooda si loo saxo qaladaadka ay xubnahaasi ka gaystaan dalka iyo degaannada beesha Gaaljecel.

Shabakaddani Jufo gaar ah uma xaglineyso, umana shaqeynayso,  shaqsiyaad gaar ahna danahooda  gaarka ah uma adeegayso, waa shabakad u  taagan dhammaan danaha beesha Gaaljecel, haddii aad u heyso talo iyo tusaale wax toosin iyo dhaliilba kala soo xiriir Email: wararka@gaaljecel.com

Comments || Hoos ku qor aragtidaada

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone