Madaxweynaha Jabuuti oo Deeq Daawo ah gaarsiiyay Gobolka Hiiraan (DAAWO SAWIRADA)

Deeq daawo ah oo ka timid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta la gaarsiiyay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Deeqdaas ayaa waxaa lagu wareejiyay Maamulka Gobolka Hiiraan oo ay wehliyaan dhakhaatiirta Gobolka iyo waxgaradka gobolka Hiiraan.

Daawadan ka timid Madaxweyne ismaaciil Cumar Geelle  ayuu madaxweynuhu ugu talo galay dadka uu soo ritay cudurka shuban biyoodka ee ku sugan  gobolka Hiiraan, kuwaasoo buux dhaafiyay goobaha caafimaad ee degmooyinka  gobolka Hiiraan.

Waxaa wareejinta deeqdan goobjoog ka ahaa Col. Cusmaan Dubad oo ka socday Safaaradda dalka Jabuuti ee Soomaaliya,Taliyaha ciidamada AMISOM ee qeybta Afraad, Maamulka heer gobol iyo degmo, waxgaradka gobolka Hiiraan iyo ururka Haweenka gobolka Hiiraan, kuwaasoo deeqda guddoomay.

Waxaa lagu wadaa in deeqda daawadan loo kala qeybiyo goobaha caafimaad ee degmooyinka gobolka Hiiraan oo badankood ay ka jirto dawo yari baahsan, iyadoo cudurka shuban biyoodka ay dad badani u geeriyoodeen, kuwo kalena ay la ildaran yihiin, kuwaasoo goobaha caafimaad  ku soo qulqulaya.

Daawo ka timid Madaxweynaha Jabuuti oo lagu wareejiyay Maamulka hiiraan Hiilnews (1) Daawo ka timid Madaxweynaha Jabuuti oo lagu wareejiyay Maamulka hiiraan Hiilnews (2) Daawo ka timid Madaxweynaha Jabuuti oo lagu wareejiyay Maamulka hiiraan Hiilnews (3) Daawo ka timid Madaxweynaha Jabuuti oo lagu wareejiyay Maamulka hiiraan Hiilnews (4) Daawo ka timid Madaxweynaha Jabuuti oo lagu wareejiyay Maamulka hiiraan Hiilnews (5) Daawo ka timid Madaxweynaha Jabuuti oo lagu wareejiyay Maamulka hiiraan Hiilnews (6) Daawo ka timid Madaxweynaha Jabuuti oo lagu wareejiyay Maamulka hiiraan Hiilnews (7) Daawo ka timid Madaxweynaha Jabuuti oo lagu wareejiyay Maamulka hiiraan Hiilnews (8) Daawo ka timid Madaxweynaha Jabuuti oo lagu wareejiyay Maamulka hiiraan Hiilnews (9) Daawo ka timid Madaxweynaha Jabuuti oo lagu wareejiyay Maamulka hiiraan Hiilnews (10) Daawo ka timid Madaxweynaha Jabuuti oo lagu wareejiyay Maamulka hiiraan Hiilnews (11) Daawo ka timid Madaxweynaha Jabuuti oo lagu wareejiyay Maamulka hiiraan Hiilnews (12) Daawo ka timid Madaxweynaha Jabuuti oo lagu wareejiyay Maamulka hiiraan Hiilnews (13)

Comments || Hoos ku qor aragtidaada

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone