Beelweynta Gaaljecel oo taageertay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Beelweynta Gaaljecel ayaa si weyn u taageertay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo 8-dii bisha Febraayo 2017 la doortay.

Beelweynta Gaaljecel waxa ay si weyn u soo dhaweeyeen doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaaajo oo ay ku tilmaameen shaqsi muhim ah oo Soomaalidu jeceshahay.

Waxa ay sheegeen in Farmaajo uu yahay shaqsi horey loo tijaabiyay wax badanna soo qabtay muddadii uu ra’iisal wasaaraha ka ahaa dalka, si gaar ahna waxay ugu amaaneen dhismaha ciidamada iyo guud ahaanba heykalka dowladnimo oo isbedel weyn uu ka sameeyay muddadaas kooban ee uu ra’isul wasaaraha soo ahaa.

“Waxaan ku ammaanaynaa Baarlamaanka Soomaaliya sida ay uga tarjumeen rabitaanka shacabka, una doorteen shaqsi mudan xilka Madaxtinimada Soomaaliya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed taageero ah oo beesha Gaaljecel ay soo saartay.

Dhanka kale waxa ay beesha Gaaljecel ugu baaqeen Madaxweyne Farmaajo inuu soo magacaabo ra’iisal wasaare shacabka ay ku qancaan, kaasoo isna laga doonayo bay yiraahdeen in uu soo dhiso xukuumad tayo leh oo dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed badbaadin karta.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegii saddexaad ee doorashadii dhacday Arbacadii shalay 8-da Febraayo 2017-kii ku helay 184 cod, iyadoo wareegii saddexaad ay isugu soo hareen isaga iyo musharax Xasan Sheekh Maxamuud, balse markii loo diyaar garoobay cod-bixinta wareegii saddexaad uu tanaasulay Xasan Sheekh Maxamuud oo helay codad dhan 97.

Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa guud ahaan waxaa si weyn u soo dhaweeyay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan, waxaana magaalooyin badan  ka socda banaanbaxyo lagu taageerayo, iyadoo dalal badan oo dibadda ah Soomaalida ku dhaqan ay sidoo kale banaanbaxyo taageero ah u dhigayaan madaxweyne Farmaajo oo sidoo kale taageero buuxda ka helay beesha caalamka oo u hambalyeysay.

Comments || Hoos ku qor aragtidaada

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone