Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle oo la kulmay odayaasha beelaha Gaaljecel iyo Jajeele

Madxaweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo booqasho uu ku tegay magaalada Baladweyne ka soo laabtay ayaa markii uu ka soo degay diyaaraddii geysay magaalada Muqdisho waxa uu hoolka Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho uu ku qabtay shir jiraa’id oo uu kaga hadlay arrimo kale duwan.

Cali Cabdullaahi Cosoble  madaxweyanaha maamul goboleedka Hirshabeelle waxa uu sheegay in uu kulan la soo qaatay odayaasha beelaha Gaaljecel iyo jajeele ee dega gobolka Hiiraan, kuwaasoo dhawaan ku dagaalamay galbeedka Baladweyne wuxuuna sheegay in uu kala soo hadlay in jawi nabadeed ay kuwada noolaadaan lagana fogaado colaad beeleedyo dambe in ay dhacaan, wuxuuna shaaciyay in odayaasha beelahaasi ay  isku soo afgarteen in nabad lagu wada noolaado lagana fogaado colaad dambe oo gobolka ka dhacda, taasoo uu sheegay inay u ahayd wax wanaagsan oo mira dhal ah.

Madaxweynaha Hirshabeelle dhanka kale waxa uu sheegay in uu u soo kuurgalay xaaladda abaaraha ee ka jirta deegaanada Hirshabeelle, isagoo sheegay in ujeeddada ugu weyn ee ay halkaasi u gaareen ay aheyd  in ay u kuur galaan  xaaladda abaaraha ee ka jira qeybo ka mid ah degaannada Hirshabeelle, waxaana uu sheegey in ay gaarsiyeen deeganada abaaraha ay ka jiraan deeq gargaar ah oo sida uu yiri aan ku filneyn baaxadda abaarta jirta.

“Ujeeddada  aan u aadnay Hiiraan waxay aheyd laba qodob  oo kala ah in aan ku baraarujino  wakiilka Qaramada midoobay  ee Soomaaliya Michael Keating inuu tago halkaasi si uu wax uga soo ogaado xaalada abaaraha  ee jira, qodobka kale ayaa ah in dhammaan dadka ka soo jeeda deegaanada maamulka Hirshabeelle, Dowladda Dhexe ee dalka  iyo Hay’adaha  gar-gaaarka in ay la soo gaaraan gurmad dadku abaartu ku saameysay guud ahaan dalka gaar ahaan deegaanada Hirshabeelle” ayuu yiri Cosobole

Oo si gaar ah ugu baaqay dadka ka soo jeeda maamulka Hirshabele ee  ku nool dalka dibadiisa inay gargaar la soo gaaraan dadka abaaruhu heyso.

Dhanka kale Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle waxa uu sheegay in intii uu ku sugnaa B/weyne uu tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Nabadsugida oo ah ciidankii ugu horreeyay oo loo tababaro Maamulkani, taasoo ay soo dhaweeyeen qeybaha kale duwan ee bulshada maamulka Hirshabelle.

Comments || Hoos ku qor aragtidaada

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone