Xildhibaanno erey xun u adeegsaday Madaxweynaha Hirshabelle iyo Dibadbax ka dhan ah Madaxweynaha oo Jowhar ka dhacay

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle oo shalay magacaabay Golaha wasiirrada maamulkiisa ayaa waxaa maanta diidmo ka hor geeyay qaar ka mid ah beelaha iyo dadweynaha degan magaalada Jowhar, kuwaasoo dhigay dibadbax looga soo horjeedo magacaabistaas golaha wasiirada cusub.

Dadka isu soo baxay ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay ku diidan yihiin magacaabista uu madaxweynaha Hirshabelle shalay sameeyay waxayna sheegeen in madaxweynuhu uu magacaabistaasi ku sameeyay qaab ku dhisan eex iyo nin jeclaysi sidaasi awgeed aysan marnaba ku qanci doonin magacaabistaas.

Waxa ay iyagoo careysan isu soo baxayaashu ay sheegeen inaysan ku raali noqoneyn sida wax loo maamulay iyaga oo sheegay in lagu tuntay xaqii ay ku lahaayeen dhismaha golaha fulinta maamulka Hirshabeelle, waxayna ku goodiyeen haddii aan wax laga qaban inay  qaadi doonaan talaabo ka dhan ah maamulka madaxweynaha Hirshabelle.

Qaar ka mid ah ka qeybgalayaashii dibadbaxa ayaa ugu baaqay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle in uu laabto habka uu u soo dhisay golaha wasiirada, waxayna xuseen in inta wax laga bedelayo ay sii wadi doonaan dibadbaxa.

Golaha wasiirada ee uu shalay magacaabay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo ka kooban 23 wasiir, 23 wasiir ku-xigeen iyo 6 wasiiru-dowle ayaa waxaa u badan xildhibaannada maamulkaas, waxaase jira qaar badan xildhibaannada oo qudhooda ka soo horjeestay, iyagoo sheegay in madaxweyne Coswoble uu marqaanka tusiyey inuu magacaabo wasiirro la soo dhoodhoobay.

Hadalka xildhibaannada qaar iyo dibadbaxa maanta ka dhacay Jowhar ayaa noqonaya jawaabtii ugu horreysay ee laga bixiyo dhismaha xubnaha golaha wasiirada Hirshabeelle oo mudo dheer la sugayay magacaabistooda.

Comments || Hoos ku qor aragtidaada

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone