Akhriso qodobada heshiiska kama dambeysta ah ee la dhex dhigay beelaha Gaaljecel iyo Jajeele

Waxaa si kama dambeys ah heshiis loo dhex dhigay beelaha Gaaljecel iyo jajeele oo muddooyinkii u dambeeyay ku dagaalamayay galbeedka magalaada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan.

Guddi nabadeyn ah oo ka kooban dhammaan beelaha dega Gobolka Hiiraan oo  loo xil saaray nabadeynta beelaha Gaaljecel iyo Jajeele oo shirar dib u heshisiin ah muddo bil ah ka soo waday magaalada Baladweyne ayaa baaqyo heshiis  kama dambeys ah  soo saaray.

Halkan ka akhriso baaqyada heshiiska:

1). In dhibaatadii ka dhalatay dagaalka naf iyo maal  la waafajiyo shareecada islaamka

2). In  Laga bilaabo 21/11/2016 wixii dhib ah ee ka dhex dhacay beelaha Gaaljecel iyo Jajeele  la waafiyo shareecada islaamka.

3). In Beeshii nabaddoonadeeda wax ka qaban waayaan dhib ay geysteen loo adeegsan doono ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom, qasabna looga dhigi doono dhibkii ay geysteen  guddiga 15-ka xubnood ee beel waliba ay leedahay.

4). Hantida gaarka loo leeyahay sida guri, ceel, beer, xoolo  iwm qofkii sheeganaya milkiyaddooda  wuxuu u dacwoon karaa shareecada Islaamka.

5). Si kumeel gaar ah waxaa labada beelood lagu kala hakiyay  Beesha Gaaljecel waxay ku baxaysaa waddada Burjada caynta oo ay ku tagaysaa Buqda,  Beesha Jajeele waxa ay ku baxaysaa wadda baar gaduud, intii u dhexeysa muddadaas ciddii wax xumaan ah ku samaysana shareecada islaamka ayaa la waafajinayaa, waana aag ka reeban dad iyo duunyo iyo xoolaba, waxa kaliya oo la ogol yahay in baadidada kaliya laga goobto.

6). Arrimaha la xiriir soohdimaha iyo dhulka guddigu wuxuu u daayay inay xaliyaan duubabka dhaqanka labada beelood iyo dowladda Federaalka Soomaaliya

7). Beeshii jebisa go’aanadan oo ay xabad joojinta u horreyso waxaa la ganaaxayaa lacag dhan 5-kun dollar ciidamada dowladda iyo kuwa amisom ayaana loo adeegsanayaa  inay soo qabqabtaan ciddii fitnada abuurtay iyo kuwii fuliyayba.

8) Guddiga xalinta colaadda u dhexeysa beelaha Gaaljecel iyo jajeele wuxuu u soo jeedinayaa in maamulka Gobolka Hiiraan, Guddiga amniga Gobolka  iyo ciidamada AMISOM inay la socdaan dhaqangalka heshiiska labada beelood si xasilooni loo helo.

Comments || Hoos ku qor aragtidaada

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone