Heshiisiinta Beelihii ku dagaalamay Galbeedka Baladweyne oo la soo gabagabeeyay

Waxaa maanta si rasmi ah loogu soo gaba gabeeyay magalaada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan shirar dib u heshisiin ah oo muddo bil ah ka socday magaalada Baladweyne kaasoo lagu dhexdhexaadinayay beelaha Gaaljecel iyo Jajeele oo bil kahor ku dagalamay galbeedka Gobolka Hiiraan.

Heshiiska kama dambeysta ah ee la dhex dhigay labada beelood ayaa ka kooban dhowr qodobo oo labada dhinac ay ku heshiyeen.

Kulanka lagu soo bandhigayay Heshiiska ayaa waxaa ka qeyb galay Maamulka Heer gobol iyo degmo ee gobolka Hiiraan, Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee kala socda dalalka Jabuuti iyo itoobiya,  waxaana goobjoog ka ahaa waxgaradka gobolka iyo odayasha labada dhinac ee heshiiska wada gaaray oo uu ka dhex muuqday Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas khaalif.

Qodobada lagu heshiyay saacadaha soo socda ayaanu idiin soo gudbin doonaa ee mar waliba la soco Gaaljecel.com ama gaaljecel.org ama gaaljecel.net.

Comments || Hoos ku qor aragtidaada

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone