Xildhibaan Shaacir oo kashifay sirar badan(Dhageyso hadaladiisa)

Xildhibaan C/llaahi Maxamed(Shaacir)  oo ka mid ahaa xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda beesha Gaaljecel ee qeyb ka degta gobollada Jubbooyinka ayaa shaaciyay  in  ay  jiraan xubno raba in ay laaluush ku qabtaan jagada xilidhibaannimada dalka iyo inuu isagu mudan yahay in mar labaad loo dhiibo jagada xildhibaannimo ee uu horey u hayay, isagoo xusay in dhibaatooyin badan uu ku soo mutay xilkaas, kuwo kalena aysan u soo dhibtoonin.

Xildhibaan Shaacir oo aad mooddo inuu maamul gobolleedka Jubbaland xildhibaannimo ka rabo, sida uu ammaanayo, uguna duceynayo madaxweynaha  maamulkaas Axmed Madoobe ayaa waxa uu xildhibaannimada ka doontay Jubbaland, isagoo ka tallaabsaday Ugaaska iyo odayaasha dhaqanka beesha ee lagu wado inay xildhibaannada beesha ee ka mid noqonaya aqalka Baarlamaanka soo xulaan inta laga gaarayo (One man One Vote).

Bal nala dhagayso oo nala daawo hadallada layaabka leh ee xildhibaanka.

Comments || Hoos ku qor aragtidaada

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone