Warbixin kooban Taariikhdii Halgamaa Sheekh Xasan Barsane

Sheekh Xasan Sheekh Nuur Sheekh Axmed oo loo yaqaanay (Sheekh Xasan Barsane) waxa uu ka mid ahaa halgamayaashii Soomaaliya ka tuuray heeryadii gumeystaha, waxaana lagu xusuustaa dagaalkii uu la galay gumeystihii Talyaaniga ee Soomaaliya ku soo duulay.
Sheekh Xasan Barsane oo dhalasho ahaan ka soo jeeda beesha Gaaljecel waxa uu geed dheer iyo geed gaaban u galay sidii uu ummadda Soomaaliyeed uga dul xoreyn lahaa gumeystaha, wuxuuna xakaariyey gumeystihii Talyaaniga.
Gumeysigu waxaa dhimbil dab ah ku noqday ciidanka awoodda leh ee uu hogaaminayay Sheekh Xasan Barsane oo gumeystayaal badan laayay, waxayna si kastaba baadigood ugu jireen sidii ay mar uun gacanta ugu soo dhigi lahaayeen Sheekha oo ahaa shaqsi xeelad badan oo ay loodin waayeen.
Muddo dheer kadib waxa gumeystaha u suuragashay inay gacanta ku dhigaan Sheekha, waxayna u adeegsadeen dilkiisa Sun ay ugu buufiyaan qolkii uu ku xirnaa.
Sheekha oo dhimashadiisu ay ku beegnayd Sanadkii 1927-kii ayaa ah geesi u dhintay difaaca Diinta, Ciida iyo Calanka Soomaaliyeed.
Haddaba halkan waxaan idinkugu soo gudbineynaa Taariikh nololeedkii Sheekh Xasan Barsane oo kooban:-
AIle ha u naxariistee Imaam Sheekh Xasan Sheekh Nuur Sheekh Axmed oo loo yaqaanay (Sheekh Xasan Barsane) waxa uu dhashay sanadkii 1853-kii, wuxuuna ku dhashay tuulada loo yaqaan Ubaadi oo u jirta khiyaas ilaa 68 Km magaalada Jowhar, caasimada Gobolka Shabeelaha Dhexe ee dalka Soomaaliya.
Sheekh Xasan Barsane wuxuu bartay Qur’aanka Kariimka isagoo yar, waxuuna ku bartay tuulada Ubaadi, markii uu soo qaangaaray Sheekhu wuxuu bilaabay inuu aqoonta Diinta u raadsado meel kasta oo Cilmi Diimeed loogu sheego, meelaha uu cimliga u doontay ee dalka gudihiisa ahna waxaa ka mid ahaa tuulo la yiraahdo Mateey Aw Xasan oo ku taala degmada Afgooye iyo magaalada Muqdisho.
Sheekhu wuxuu muddo kadib u guuray magaalada barakeysan ee MAKA AL-MUKARAMA dalka Sacuudiga wuxuuna muddo laba jeer ah uu uu soo gutay waajibaadkii Xajkii, wuuxuna Cilmiga Diinta si fiican ugu soo bartay dalka Sacuudiga oo uu ku maqnaa muddo ka badan saddex sanadood.
Sheekh Xasan Barsane markii uu ku soo laabtay dalka waxa uu la soo kulmay dalka oo ay soo buux dhaafiyeen gumeysteyaal kala duwan oo markaas iyo ka horba ku sugnaa dalka tan iyo intii ay dhacday qeybsashadii Qaarada Afrika sanadkii 1884,kii dalalka reer galbeedka oo ay ugu horeeyeen Ingiriiska, Faransiika iyo Talyaaniga ayaa soo galay dalkeena hooyo ee Soomaaliya.
Sheekhu wuxuu ka biyo diiday inuu ku hoos noolaado gumeystaha isagoo ka door biday inuu Shahiido isagoo dhawraya sharafta Diinta iyo tan dalkiisa Hooyo.
Sheekh Xasan Barsane waxa uu muddo gaaban gudahood dhex galay dadka Soomaaliyeed ee gumeysiga necbaa, wuxuuna isu keenay xoogag dhalinyaro u badan oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa dhawr Kun, kuwaasoo si dhuumaalaysi ah u qaadanayay tababar ciidan.
Gumeystaha markii ay ka war heleen in tababar iyo wacyigelin ay Sheekha iyo geesiyeyaashii Soomaaliyeed ee u kacay difaaca Diinta iyo dalka ka wadaan qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya ayaa waxa uu gumeysigu bilaabay baadigoob iyagoo u gudbinayay hanjbaad iyo cagajugleyn kaga imaanayay dhanka gumeystaha Talyaaniga oo iyagu markaas heystay dhammaan Koofurta Soomaaliya.
Sidoo kale Sheekha waxa ay handadaad uga imaanaysay dowladda Itoobiya oo ahayd dalka kali ah ee Afrikaan ah ee ka qeyb galay qeybsashada dalalka Afirka ee shirkii magaalada Berlin ka dhacay sanadkii 1884-kii
Geesiga Soomaaliyeed Sheekh Xasan Barsane dhag jalaq uma siin dhammaan hanjabaaddaas iyo baqdin gelintaas kaga imaaneysay dhanka Gumeystahii Talyaaniga iyadoo Sheekha lagu amray inuu isku soo dhiibo ninkii xilligaas Talyaaniga Soomaaliya wakiilka uga ahaa oo lagu magacaabayay Jeneral Mario Devechio,isagoo weliba loo qabtay waqti gaar ah.
Si kastaba ha ahaatee Sheekh Xasan Barsane wuxuu go’aansaday inuu la dagaalamo gumeystahii Talyaaniga uusana isku dhiibin isla markaana ka xoreeyo dalka Soomaaliya diintana kor loo qaado.
Waqtigii ay Talyaaniga u qabteen Sheekh Xasan Barsane inuu isku soo dhiibo markii uu dhammaaday ayaa waxaa bilowday dagaaladii fool ka foolka ahaa ee uu Sheekh Xasan la galay gumeystihii Talyaaniga.
Sheekha iyo gumeystaha goobo badan ayaa waxaa ku dhex maray dagaallo, dhammaan dagaaladii uu la galay gumeystahana waa uu kaga guuleystay.
Alaha u naxariistee Geesigii Soomaaliyeed Sheekh Xasan Barsane dagaaladii uu la galey Talyaaniga mooyee waxuu kaloo la dagaalamay gumeystihii Itoobiya, waxaana dagaaladaas laga xusi karaa dagaalkii la magac baxey Gumar Shee oo dhacay sanadkii 1905 dagaalkaas oo ahaa dagaalkii ugu horreeyay ee uu la galay Itoobiya oo markaasi isku dayaysay inay la wareegto dhammaan dhulka Soomaaliyeed.
Ciidamada Itoobiya oo aad u hubeysnaa waxa ay soo gaareen tuulada la yiraahdo Taytayle oo ka tirsan degmada Balcad oo inyar u jirta magaalada Muqdisho, dagaalkii halkaas ka dhacay oo ahaa mid faraha looga gubtayna waxay dadka Soomaaliyeed ka soo hooyeen guulo waaweyn iyadoo ciidamadii Itoobiya ee ku soo duulay dalka Soomaaliya uu dagaalkaasi gayeysiyay inay dalka isaga baxaan iyaga oo duulaysan.
Naxariistee jano Allaha siiyee geesigii Soomaaliyeed sheekh Xasan Barsane dagaaladii uu la galay gumeystayaasha gaar ahaan Talyaaniga waxaa laga xusi karaa :
1. Dagaalkii Buulo Barde oo dhacay sanadkii 1922.
2. Ceel Dheere oo dhacay sanadihii 1922 iyo 1923.
3. Hiilweyne oo dhacay sanadkii 1923.
4. Jiliyaale oo dhacay sanadkii 1924.
5. Hareeriile oo dhacay sanadkii 1924.
Halyey Sheekh Xasan Barsane wuxuu ku caan baxay inuu ciidanka ka bar bar dagaalamo isago dhiirigelin jiray una sheegi jiray in ay heleyaan Shahaaddo ama Sharaf Aakhiro iyo Adduunba.
Buugaag badan ayay Talyaanigu ka qoreen dagaaladii ay Soomaaliya kula galeen geesiga Xasan Barsane waxayna sheegeen in uu ahaa geesi aan la loodin Karin, qabashadiisana ay si weyn ugu adkaatay, balse mar dambe gacanta lagu dhigay sanadku markuu ahaa 1924-kii.
Waxaa Sheekha lagu xiray xabsiga loo yaqaaney Gaalshiro oo ahaa Xabsiga dhaxe ee magaalada Muqdisho, waxaana la soo taagay Maxkamad ay samaysteen gumeysigii Talyaaniga oo ku xukuntay 30 sano oo xarig ah waxaana la sheegey in xabsiga dhexdiisa lagu jir dilay sidoo kalena waxyaabaha kale ee la xusi karo waxaa ka mid ah in gumeystuhu ay ku xireen meel god ah oo aad u ciriiri ah isla markaana aan ku filneyn inuu fariisto godkaas oo lahaa meel yar oo shabaq ah oo uu xoogaa neefta ama hawada ka qaadan jiray.
Si kastaba ah ahaatee gumeystaha Talyaaniga waa uu ku qanci waayay inay xabisaan oo kaliya geesigaas Soomaaliyeed, waayo Sheekh Xasan Barsane waxa uu ahaa caqabaddii ugu weyneyd ee ay gumeystaha Talyaaniga kala kulmayeen Koonfurta Soomaaliya, iyadoo aanba dhihi karno Sheekha wuxuu ahaa quwadda kali ah ee dagaalo waaweyn kaga hortimid.
Talyaaniga 3 sano kadib waxay isku dayeen inay dilaan Sheekh Xasan Barsane iyagoo ugu dambeyntii ay u suuragashay bishii Janaayo 13-keedii sanadku markuu ahaa 1927-kii inay sun ku buufiyaan qolkii uu ku xirnaa ugu dambeyntiina halyeeygii Soomaaliyeed Sheekh Xasan Barsane halkaas ayuu ku geeriyooday.
Buugaagtii Orizento Impero iyo Tree Anni De In Somalia ayaa si weyn loogu faahfaahiyay geesiga Sheekh Xasan Barsane oo gumeysiga Talyaanigu uu loodin waayay, wuxuuna ahaa nin xeelado badan oo dhinacyo kala duwan ka soo wajahay gumeystaha.
Alle ha u naxariistii Sheekha waxaa lagu aasay Qabuuraha Sheekh Suufi oo ku yaalay agagaarka madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, muddo kadibna meydkiisa halkaas waxaa laga faagay waxaana loo qaaday oo lagu aasay degmada JILIYAALE oo markii hore Sheekha xarun u ahayd, halkaasoo uu ilaa iyo haatan ku aasan yahay.
Si uu u waaro magaca halyeyga Sheekh Xasan Barsane waxay Dawlada Soomaaliya ku maamuustay magaciisa oo ay ugu magac dartay Iskuul ama dugsi dhinaca waxabarashada oo ku yaala magaalada Muqdisho oo loo bixiyay Iskuulka Sheekh Xasan Barsane.
Sidoo kale beesha uu ka dhashay ee Gaaljecel ayaa sanadkii 2014-kii magaalada Baladweyne ka taagtay Taalo weyn oo loo dhisay halgamaaga geesiga Sheekh Xasan Barsane, Taaladaasoo dhismaheeda la bilaabay 20-kiiJuly 2013, lana soo gabagabeeyay 28-Febraayo 2014-kii, iyadoo xafladdii furitaanka Taaladaasi ay ka qeyb galayeen mas’uuliyiin fara badan, waxgarad, cuqaal, nabaddoono, culumaa’udiin, dhalinyaro rag iyo dumarba leh iyo martisharaf qeybaha kala duwan ee dalka ka kala yimid.
Ha waarto Taariikhda Geesiga halgamaa Sheekh Xasan Sheekh Nuur Sheekh Axmed (Sheekh Xasan Barsane).
Faahfaahin dheeraad ah haddii aad heyso nagala soo xiriir
wararka@gaaljecel.com

Comments || Hoos ku qor aragtidaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone