DAAWO: Arrin ku dayasho mudan oo laga hirgeliyey degaanka Ceel-cali

Waa wax lagu farxo in dad waxgarad ah ay ka shaqeeyaan tayeynta iyo kor u qaadista waxbarashada ubadkooda ku nool gudaha dalka Soomaaliya.

Degaanka Ceel-cali ee beesha Gaaljecel ayaa waxaa laga hirgeliyey Iskuul hoose/dhexe iyo sare ah  waxaana dhismaha Iskuulkaas qeybta ugu weyn ka qaaatay jaaliyadaha beesha Gaaljecel ee dalalka dibadaha oo aan u kala harin sidiiay uga shaqeyn lahaayeen kor u qaadista waxbaridda ubadkooda.

Intii aan Iskuulkaasi laga hirgelinin degaankaasi  inta badan ubadka degaankaas waxaa mashquul looga dhigi jiray Xoolo raacis, halka tiro yar oo ubadkaasi ka mid ah ee waalidkood garteen muhimadda waxbarashada ay degaanada ku dhow dhow degaankaas ee Iskuulada leh ay ubadkooda waxbarashada ugu soo diri jireen sida uu caddeeyay Xuseen Cabdi Qobay oo ka tirsan odayaasha degaanka Ceel-cali oo shaaca ka qaaday in labo wiil oo uu dhalay oo midkood uu geeriyooday uu Iskuul Xamar u diray, uuna u gaday Labo Halaad oo Geel ah, biil joogto ahna uu u diri jiray, balse haatan markii Iskuulkan la furay uu dhammaan ilmihiisa geeyay.

“Kow iyo Toban ciyaal oo uu qaarkood dhalay qaar kalana uu wakil u yahay ayaan Iskuulkan Ceel-cali geeyay, afar ciyaal lacag la igama qaadaynin oo waa lay dhaafay” ayuu yiri Xuseen Cabdi Qobay oo intaas ku daray in markii Ciyaalkiisa uu Iskuulka Ceel-cali ku hubsaday uu u jiheystay Geel dhaqaalaysi.

Degaanka Ceel-cali oo kaliya ma ahee degaanno kale oo beesha Gaaljecel degto oo aan horey Iskuulo u lahayn oo laga hirgeliyey Iskuulo, taasna waa horumar, kuwo kale ee weli laga hirgelinin waxaan filayaa in lagu howlan yahay oo lagu gudo jiro qorshihii lagu furi lahaa.

Haddaba dadkii dhismaha Iskuukan ka dambeeyay waxay sameeyeen arrin aad u wanaagsan oo ku dayasho mudan, waxaana  waxaradka beesha Gaaljecel ee dalalka dibadda iyo kuwa dalka ku nool ee hantida leh ka codsanaynaa in degaanno badan oo beesha Gaaljecel ay ka hirgeliyaan Iskuulo, isbitaalo iyo goobo danaha adeegyada bulshada kor loogu qaadi karo.

Nagala soo xiriir

wararka@gaaljecel.com

Comments || Hoos ku qor aragtidaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone