Akhriso qabiilada & magacyada xildhibaannada ku guulaystay Jowhar iyo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kursigiisa difaacday.

Kursiga aqalka hoose ee Xildhibaannada ka soo galaya Hir-shabeelle ee magaalada Jowhar  ayaa xubintii ay lahayd beesha Gaaljecel ee Lahube waxa ku guulaystay Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ahaa  Xildhibaannadii waqtigooda sharciga ahaa uu dhammaaday.

Kursigaas uu difaacday Daahir Amiin Jeesow oo  horey ay muran uga keeneen odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Jufooyinka Bees iyo Caloofi ee beelweynta Gaaljecel ayaa waxaa ku tartamay Daahir Amiin Jeesow  iyo Xamza Aadan Xaadow.

Daahir Jeesow waxa uu  helay 30 cod halka Musharriixii la tartamayay ee Xamza Xaadow  uu helay 21 Cod, sidaasoo guusha uu ku hantay Daahir Amiin Jeesow.

Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa hadda u dhiman Kuraas ka yar 3 kursi, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay soo dhameystirmaan doorashada aqalka hoose ee Hirshabeelle iyada oo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe lagu soo doortay 36 xildhibaan oo 10 ka mid ah ay yihiin dumar.

Kuraasta aan weli la qaban doorashadooda ayaa waxaa ka mid ah kursi khilaaf sababay in lagu kala tago kadib markii uu dhamaaday wareegii koowaad, sidoo kale waxaa dhiman hal kursi oo laga soo wareejiyay magaalada Muqdisho kaasoo ay leeyihiin beesha Carab Soomaali.

Haddaba akhriso magacyada iyo beelaha kuraasaha ilaa iyo hadda lagu doortay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle:

1).        Cabdulahi Maxamed Sanbaloolshe     Xawaadle/Cali Madaxweyne

2).        Maxamed Xasan Ibrahin (Qoone)      Xawaadle/Cabdala Samatalis

3).        C/saq Cumar Maxamed                      Xawaadle/Ibrahin Cise

4).        Cumar Cisman Wasuge                       Xawaadle(Yabar Madaxweyne)

5).        Samiro Xasan Cabdulle                      Xawaadle(Yabar Dige)

6).        C/saq Axmed Maxamed                     Xawaadle(Cabdi Yusuf)

7).        C/hi Goodax Barre                              Xawaadle(Agoon)

8).        Farxiyo Muumin Cali                         Xawaadle/Reer Ugaas

9).        Khadijo Maxamed Diiriye                  Yaxar

10).      Faarax Cabdqadir                               Shiikhaal/Reer Owxasan

11).      Cali Maxamed Cumar                         Hilibi

12).      Aadan Xasan Cali                               Moobleen

13).      Yusuf Xuseen Axmed                        Jajeele

14).      Farxiyo Maxamud Dhaqane               Ujeejeen

15).      Maxamuud Cabdulahi Axmed           Ujeejeen

16)       Cismaan Maxamed Cabdi                   Ujeejeen

17).      Yusuf Ibraahin Afrax                                     Abgaal/Kabaale

18)       Cabdulahi Maxamed Nur                   Abgaal/Agonyar

19).      Maxamed Abukar Islow                     Abgaal/Owbakar

20).      Mino Xasan Shibis                              Abgaal/Celi Cumar

21).      C/dir Carabow Ibrahin                        Abgaal/Daa’uud

22).      C/qadir Cosoble Cali                           Abgaal/Warsangeli

23).      C/hi Colaad Roble                              Reer Shabeelle/Gasar

24).      Maxamed Cumar Ceymoy                  Shidle/Tolweyne

25).      Madino Suusow Maxamud                 Shidle/Yabadhal

26).      Xuseen Cabdi Cilmi                            Dir/Faqe Cumar

27).      Sh. C/sataar Sh.C/xiin Sh.Xasan         Gaaljecel/Barsane

28).      Maryan Axmed Haarun                      Gaaljecel/Dirisame

29).      Amina Maxamed Cabdi                      Gaaljecel/Abtisame

30).      Daahir Amiin Jeesow                         Gaaljecel/Caafi

31).      C/fatax Qasim Maxamud                    Makane

32).      Faadumo Faarax Ibrahim                    Baadicade

33).      Maxamud C/dir Benebene                  Baadicade

34).      Khalif Cabdi Cumar                           Baadicade

35).      Maxamud Maxamed Jimcale             Yaxar

36).      Xiis Xasan Ibraahim                           Baajamaal

 

 

Comments || Hoos ku qor aragtidaada

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone