Odayaal dhaqameedyo eedeyn kulul u jeediyey Ugaaska beesha Gaaljecel iyo muran xooggan oo ay ka keeneen kursiga uu ku tartamayo Daahir Amin Jeesow

War-murtiyeed ay soo saareen odayaal dhaqameedyo ka tirsan beesha Gaaljecel ayaa waxay ku sheegeen in Ugaaska beesha Gaaljecel uu u kala eexanayo beelweynta Gaaljecel ee uu Ugaaska u yahay.

Odayaashaasi waxay sheegeen in Ugaasku uu u qoondeeyay ergada dooranaysa kursiga aqalka Hoose ee beesha Lahube ergooyin ku heyb ah Daahir Amiin Jeesow taasna ay ku sheegeen inay tahay xaqdarro, iyagoo sheegay in kursigaasi uu yahay mid ka dhexeeya beesha Lahube oo ka kooban saddex jilib.

Odayaal dhaqameedyo iyo waxgarad ka soo jeeda labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan kana tirsan beelweynta Gaaljecel ayaa ka hadlay in sadbursi iyo awood sheegasho uu kursiga ay beesha Lahube ee Gaaljecel ku leeyihiin Aqalka Hoose.

Odayaal dhaqameedyadani waxay ku eedeeyeen Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi inuusan dhexdhexaad ka ahayn arrimaha beesha isla markaana uu duudsiyay xaq ay leeyihiin beelo dega labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan.

“Labada jilib ee Caloofi iyo Bees waa loo diiday inay ka mid noqdaan ergada waana mid xaqdarro ah.”ayaa lagu yiri warmurtiyeedka ay soo saareen odayaal dhaqameedyada iyo waxgaradka ka tirsan beesha Gaaljecel ee degta labada Gobo lee Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Waxgaradka iyo Odayaal dhaqameedyada beelaha Caloofi iyo Bees waxa ay ugu baaqeen guddiga xalinta khilaafaadka iyo ururada doorashooyinka inaysan aqbalin ergada uu wato Daahir Amiin Jeesow oo ay sheegeen in uu ka soo dhammaystay Ugaaska, taasina ay tahay xaqdarro iyo duudsiin.

“Ergo la soo laaluushay ayuu wataa Daahir Jeesow, waxaana wax la wada Ugaaska beesha” ayaa lagu yiri warmurtiyeedka ay soo saareen waxgaradka iyo odayaal dhaqameedyada ka soo jeeda beelaha Caloofi iyo Bees ee beelweynta Gaaljecel.

Kursigan muranku ka taagan yahay ayaa waxa uu ka mid yahay kuraasta aan weli la dooran ee Aqalka Hoose kaasoo la qorsheynayo in maalmaha soo socda la doorto, balse Daahir Jeesow waxa uu qorsheynayaa in haddii uu isaga heli waayo in xubin ka tirsan Jufadiisa Caafi ay ku soo baxdo, taasoo ah midda ay ka dabaaqtamayaan odayaasha iyo waxgaradka Caloofi iyo Bees.

Waxaa soo baxaya muran ka taagan xulista beesha lahube ee kuraasta Aqalka Hoose ee lagu tartamayo magaalada Jowhar xarunta maamul gobolleedka Hirshabeelle.

Comments || Hoos ku qor aragtidaada

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone