Ugaaska Beesha Gaaljecel oo war culus ka soo saaray doorashada Beesha Doqon-diide ee Gaaljecel

Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi Ugaas Muxumed ayaa doorasho been abuur ah ku tilmaamay mid ka mid kuraasta beesha Doqon-diide ee Gaaljecel ee ka dhacday magaalada Kismaayo.

Ugaaska oo ka mid ah  Duubabka  135 ee u diiwaan gashan dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa sheegay inay waxba kama jiraan ahayd doorashadii  ka dhacday magaalada Kismaayo ee ee uu ku soo baxay Cabdullaahi Shaacir oo ka mid ahaa Xildhibaanadii waqtigoodu dhammaaday ee dowladda.

“Wixii ka dhacay Kismaayo lama filaan ayay ahayd, Gudddiga Doorashada ayaana faragelin ku sameeyay ergadii Beesha Gaaljecel  oo aan aniga si cadaalad ah u soo xulay, gaar ahaan Beesha Doqon Diide ee Gaaljecel. Sidoo kale  Guddiga Doorashada waxay  si ka fiirsasho la’aan ah ula safteen C/llaahi Shaacir”  ayuu yiri Ugaaska oo sheegay in ergo been abuur ah oo aan beesha Gaaljecel ahayn la keensaday goobtii doorashada ka dhacaysay.

“Waxaa la keensadey ergo been abuur ah oo aan u dhalan Beesha Gaaljecel, waxaan u soo jeedinaya Guddiga doorashada  Heer Federaal inay laalaan kursigaasi oo dib loogu laabto” ayuu ku dooday Ugaaska oo sheegay inuu ka xun yahay qaabka doorashadaasi u dhacday.

Sida wararka aanu ku heleyno Ugaaska Beesha Gaaljecel waxa uu watay Maxamed Mukhtaar  Ibraahim oo ahaa Wasiirkii Batroolka iyo Macdanta oo lagu eedeeyay in ergada iyo Ugaaskaba uu lacago laaluush ah ku faraqay sisaad awgeedna Guddiga doorashada maamulka Jubbaland ay ka mamnuuceen inuu tartamo ayaan la ogeyn ujeeddada ka dambeysay hadalka Ugaaska iyo diidma Ugaasku uu diidan yahay Shaacir oo isaga iyo Maxamed Mukhtaar ay ka soo wada jeedaan Beesha Doqon-diide ee Gaaljecel.

Comments || Hoos ku qor aragtidaada

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone