Kursiga Beesha Gaaljecel ee Barsane oo uu difaacday Ex. Xildhibaan…..

Doorashadii Aqalka Hoose ee maanta ka dhacday xarunta maamulka Hir-shabelle ayaa waxaa kursigii beesha Gaaljecel ee Barsane ku guulaystay Ex. Xildhibaan C/sataar C/salaan Sheekh Xasan Barsane.

Kursiga beesha Barsane ee Gaaljecel oo ay ku baratameen  C/sataar C/salaam Sh. Xasan Barsane iyo Mustaf Sheekh Cismaan  ayaa waxa uu C/sataar helay 29-cod halka Mustaf Sheekh uu isna ka helay 22 cod.

Tartanka oo ahaa mid aad u adag ayaa waxaa 7 cod ku difaacday C/sataar C/salaam Sheekh Xasan Barsane oo mar kale noqonaya xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Comments || Hoos ku qor aragtidaada

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone