Heshiis ay gaareen Beelaha Gaaljecel iyo Jajeele oo guuldarro layaab leh la kulmay & hanjabaad soo yeertay

Heshiis hor dhac ah oo ay wada gaareen beelaha Gaaljecel iyo Jajeele oo maalmihii tegay ku dagaalamayay galbeedka gobolka Hiiraan ayaa guuldarro layaab leh ay la soo derstay  kadib markii heshiiskaasi ay jebiyeen maleeshiyaad kala taabacsan  labada dhinac  isla markaana askari ka tirsan dowladda Soomaaliya ay dileen.

Waxgaradka gobolka Hiiraan, Sarakiil ka tirsan ciidamada dowladda iyo waxgarad ka soo jeeda labada dhinac ee dirirtu dhex martay oo heshiiska gopobjoog ka ahaa ayaa heshiiska ay wada gaareen afar qodob oo kala ah:-

1). In rasaasta dhacaysa la joojiyo, ciidamadana lakala qaado.

2). In beesha Galjecel ciidankeeda ay geyso deeganka Burjinta ceynta.

3). In Beesha Jajeele Ciidankooda ay geeyaan deeganka Farmo Jamalay.

4). In labada dhinac ay iskugu yimaadaan shirweyne  lagu dhammeeyo khilaafka ka dhex taagan.

Heshiiskaas ayaan sidii loogu talo galay u fulin, dagaalkuna wuu soconayaa, waxaana goobaha dagaallada ka soconayaan gaaray  mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, odayaal dhaqameed iyo saraakiil ciidan  si heshiiska ay u dhaqan geliyaan dagaalkana u joojiyaan balse way ku guuldareysteen.

Rasaastii ay labada dhinac is dhaafsanayeen ayaa waxaa la soo sheegayaa in askari ka tirsanaa ciidamada dowladda ee safarka ku wehlinayay mas’uuliyiinta maamulka iyo saraakiisha kale ee ciidammada ee ku howlan kala qaadista maleeshiyada iska soo horjeeda uu ku geeriyooday.

Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa ku hanjabay in haddii dagaalku sii socdo ay awood adeegsan doono, ciddii heshiiska fulin weysana dhinac looga soo wada jeesanayo, balse ma jirto cid labada dhinac dhego nugeyl ku qaabishay hanjabaaddaas.

Dagaalladan u dhaxeeya labadan beellood oo sanadihii ugu danbeeyay soo jiitamayay ayaa sababay khasaare ballaaran oo isugu jiray dhimasho iyo dhawac iyo in dad rayid ah oo aan ku lug laheyn dagaalka loo dilo aano Qabiil, kuwo kale oo badana degaanadoodii ka bara-kacaan.

Comments || Hoos ku qor aragtidaada

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone