Beelaha ku dagaalamaya Galbeedka B/weyne oo dhexdhexaadin laga dhex bilaabay

Kulan lagu dhexdhexaadinayo  beelaha Gaaljecel iyo Jajeele oo malmihii la soo dhafay ku dagalamayay deegano ka tirsan galbeedka gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta lagu qabtay magalaada Baladweyne ee xaruunta gobolka Hiiraan.

Kulankaa oo ay goobjoog ka ahaayeen Waxgarad ka kala socday labada bee lee dagaalka u dhexeeyo, Maamulka heer gobol iyo degmo, waxgarad ka socday dhammaan beelaha dega gobolka Hiiraan, Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee dalka Jabuuti iyo culumaa’udiin ayaa waxaa lagu doortay Guddi ka shaqeeya dhexdhexaadinta labada beelood, Guddigaasoo ka kooban dhammaan waxgaradka ka soo kala jeeda beelaha dega gobolka Hiiraan.

Kulanka ayaa laga soo jeediyay in dhinacyada dirirtu ka dhaxeyso ay nabadda qaataan, rasaasta la hakiyo, khilaafaadka jirana wadahadal lagu xaliyo, iyadoo sidoo kale la soo jeediyay in labada dhinac ciddii nabadda diida meel loogasoo wada jeesto.

Comments || Hoos ku qor aragtidaada

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone