Ururka Midnimada Beelweynta Gaaljecel oo war ka soo saaray dagaallada ka curtay Baladweyne

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ururka Midnimada Beesha Gaaljecel uu ku leeyahay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayuu kaga hadlay dagaallada ka soo cusboonay Galbeedka  magaalada Baladweyne ee u dhexeeya beelaha walaalaha ah ee Gaaljecel iyo Jajeelle.

“ Dagaal wiil kuma dhasho ee wiil ayaa ku dhinta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka  uu soo saaray Ururka Midnimada Beelweynta Gaaljecel.

Ururku waxa uu labada beelood  ugu baaqayaa inay rasaasta joojiyaan, ciidamadana lakala durjiyo, kadibna  wadahadal lagu dhammeeyo wixii sababay in dagaallada dib u soo cusboonaadaan.

Waxa uu  Ururku ugu baaqayaa Odayaasha dhaqanka, Culumaa’udiinka iyo qeybaha hormuudka u ah labada beelood in ay ka shaqeeyaan sidii rasaasta  dhacaysa loo hakin lahaa, ciidamada loo kala qaadi lahaa si dadka barakacay ay guryahooda ugu soo laabtaan.

“Xilliga lagu jiro waa xilli abaareed, dadkuna ma tahli karaan qax iyo barakac cusub, dhibaato mar kale dadka marasta ah ku dhacdana abaaraha heysta iyo diiftii ay kala kulmeen dagaalladii hore ayaa ugu filan ee fadlan dagaallada hala joojiyo oo labada dhinac waxgaradkooda ha u istaagaan in dagaalka la joojiyo” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka  ka soo baxay Xafiiska Ururka Midnimada Beelweyne Gaaljecel  uu ku leeyahay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Ururku waxa uu ku baaqayaa in la hakiyo ciidamada  gurmadka ah ee labada beelood ay geynayaan goobaha dagaalladu ka socdaan, wuxuuna Ururku ku talinayaa in kuwa hadda is hor fadhiya lakala qaado.

“Nabadoonka lagu dilay magalada Baladweyne  ee sababay in dagaalku dib u bilowdo waxaan leenahay Samir iyo Iimaan  halaga dugsado, isagana Janadii Fardowza Alle haka waraabiyo, gacan ka gardaran ayaa dishay, Ilaah ayaana qofkaasi la xisaabtamaya ee dagaal kale xal  kuma imaanayo, waxaana suuragal ah rag waxgal ah iyo Nabadoonno kale inay dagaalladaa awgeed ku dhintaan ee fadlan dagaallada hala joojiyo, sida Diinta Islaamku qabto,  xeerka beelaha u degsanina dhigayo  halaga wada hadlo dilka dhacay, xalna halaga gaaro ee dagaal xal yaan loo arkin, illeyn dagaal wiil ayaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho’e” ayaa lagu yiri gabagabadii warsaxaafadeedka ka soo baxay Ururka Midnimada Beelweynta Gaaljecel (Gaaljecel United Tribal Organization)  {G.U.T.O}.

guto

Comments || Hoos ku qor aragtidaada

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone