Doorashadii aqalka hoose ee Jowhar oo dib u bilaabatay iyo ciidamo ku hareereysan…

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta maamul gobolleedka Hir-shabelle ayaa sheegaya in maanta ay halkaasi dib uga bilaabatay doorashadii xubnaha aqalka hoose kadib markii Guddiga doorashadu go’aan ka gaareen murankii doorashada ka taagnaa.
Guddiga doorahada ayaa sheegay in dib loo dhigay kurisgii khilaafku ka dhashay ee Gugundhabe, kaasoo sababay is rasaaseyn ay ku dhaawacmeen ilaa afar ruux, iyagoo go’aan ku gaaray in doorashada loo qabto beelaha kale ee dhiman.

Doorashada maanta ka dhacday Jowhar ayaa waxaa loo qabtay beesha Jareer weyne waxaana ku soo baxay wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya C/llaahi Colaad Rooble oo horey uga tirsanaa baarlamaankii uu xiligiisu dhammaaday ee dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Samiira Xasan C/lle iyo Yuusuf Xuseen Axmed oo ka mid noqday xubnaha cusub ee aqalka hoose, waxaana hadda socota doorashada xubnaha kale ee aqalka hoose, iyadoo maanta shan kursi kale loo tartamayo.

Dhanka kale wararka naga soo gaaraya magalaada Jowhar ayaa sheegaya in magaaladaasi la geeyay ciidamo ka tirsan Midowgga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi kuwaasoo ku hareereysan hoolka shirka iyagoo sugaya amaanka xaruunta doorashada aqalka hoose ee maamulka Hirshabeelle.

Dhawaan ayay ahayd markii ay magaalada Jowhar tageen guddoonka guddiga doorashada, saraakiil ciidan iyo Danjirayaasha QM iyo midowga Afrika oo dhamaantood kala hadlay maamulka Hirshabeelle  iyo guddiga doorashada xaqiijinta in doorashada dib loo yagleeyo ayna u u dhacdo si nabadgalyo ah.

Comments || Hoos ku qor aragtidaada

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone