Ciidamadii loo tababararay beesha Gaaljecel halkee ku dambeeyaan yaana xogtooda haya?{DAAWO}

Ciidamo gaaraya 200-askar oo loo tababaray beesha Gaaljecel ayaan la ogeyn meel ay haatan ku sugan yihiin iyo cid gacanta ku heysa.

Ciidamadan oo bilowgii sanadkan ay degaanka Ceel-cali ee Gobolka Hiiraan ku tababareen saraakiil Itoobiyaan ah ayaa wararka qaar waxa at sheegayaan in ay kala firxadeen kadib markii ay waayeen cid daryeesha oo ka faala-qaadda cunadooda iyo daryeelkooda gaarka ah.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in saanad ciidan aysan helin ciidamadan taasina ay sababtay in mid waliba uu danihiisa raacdo.

Beesha Gaaljecel oo leh cadaawad badan isla markaana  beelaha kale ee la deriska ah aysan u heynin wax wanaag ah horumarkoodana aan la jeclayn ayaa waxaan jirin ciidamo  cudud leh oo difaaca degaannada beesha iyo hantida beesha leedahay.

Haddaba qof walba oo Gaaljecel ah una damqanaya danaha beeshiisa waxaan ka sugeynaa in arrintan ay ka damqadaan.

Fadlan noo soo qora qoraallo caddeyn u ah cidda ciidamadan abaabushay ee haddana dayacday, sidoo kale noo soo sheega haddii ay jiraan hanti gaar ah oo loo aruuriyey ciidamadan oo shaqsiyaad gaar ah ay leexsadeen.

DAAWO TABABAR  LOO SOO XIRAY CIIDAMADA BEESHA GAALJECEL

Nagala soo xiriir

wararka@gaaljecel.com

Comments || Hoos ku qor aragtidaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone