Gaaljecel Kismaayo waa ku dulman yahay (warbixin dhab ah)

kismaayo11Dood ma aha, laakiin waxaa la geliyey dood cidda rasmiga u degan gobollka Jubbada Hoose, waxaana marar badan lagu dooday dadka deegaanka ah ayaa maamulaya gobolkaas iyo sidaas ma aha ee cidda caasimadda Kismaayo degan ee saraha ku leh ayaa maamulaysa.

Haddaba rasmi ahaan ama sida saxda ah waxay tahay in dadka deegaanka ah  ee degan dhulka baadiyaha ah ee ku xeeran Kismaayo ayaa deegaan ah.

Waxaan muran ka taagnayn in qofka baadiyaha deggan ama ha dagannaado magaalada ama yuusan dagganaanine uu yahay qofka deegaanka dhabta ah, laakiin qof kasta oo magaalo daggan uusan magaaladaas deegaan u ahayn.
Beesha Gaaljecel ayaa ah beesha ugu badan degaankaas waxayna degaan ahaan u leeyihiin degaanno gaar ah iyo kuwo ay qabiilo kale la degaan, waxayna degaannadaasi oo 30-meeyo tuulo gaaraya kala yihiin:-
1- Baarka, 2- Koban, 3-Kamsuuma, 4-Sanguuni, 5-Yoontooy, 6-Buulo Guduud,
7-Ganjaroon, 8-Kubbakibir, 9-Jannaay cabdalle, 10- Sacmoojo, 11-Galool yar yar, 12-Canjeel
13-Buurgaabo, 14-Raaskaambooni (degmo), 15-Ooddow, 16-Manaraani, 17- Ilig, 18-Warfele ,
19-Leheleey, 20-Beerxaani (degmo), 21-Geles, 22-Gumbis, 23-Dhexmar, 24-Kudhaa, 25-Istanbuul,
26- Unguuni.

Tuulooyinkaas oo dhan marka laga reebo 5ta tuulo ee ugu horreysa oo hoos taga degmada Jamaame iyo Raaskaambooni, 20-ka kale waxay hoos tagaan (laga xukumaa) Kismaayo
Sidoo kale beesha Cawr-Male oo (Gaaljecel iyo Dagoodiye la dhashay)  waxay iyaguna degaan tuulooyinka kala ah:
1-Cabdalla Biroole, 2-Buulo Xaaji iyo 3-Cusbo, dhammaan waxaa laga xukumaa Kismaayo
Shiikhaal (Hawiye) tuulooyinkooda Kismaayo hoos taga (laga xukumo) waa 1-Hoosingoow (degmo),
2- Dhasheeg Waamo, 3- Baqdaad
Abgaal iyo Murusade (Hawiye) (dad badan ayey filan waa ku noqon dootaa in Abgaal iyo Murusade ay dagaan Jubbada Hoose) waxay dagaan tuulooyinka 1- Turdho, 2- Naftaahuur.

Dhammaan Tuulooyinka Hawiye waa 34 tuulo (inta aan ogahay), 8 ma ogiye inta kale waxay hoostagaan Kismaayo.

BAL NALA EEG TUULOOYINKA DAAROOD:-

Sida ay reer Waamo og yihiin ma jirto hal tuulo oo uu Daarood kaligii daggan yahay oo hoos tagta Kismaayo (soo baara walaalayaalow), ogaadeen ninka ugu sokeeya Kismaayo ee baadiyaha daggan wuxuu daggan yahay soona Afmadow oo 120km Kismaayo u jirta, tuulooyinkiisana halkan ayaan ku caddaynayaa

Absame (Daarood) tuulooyinkiisa jubbdada hoose waa kuwan:

1-Kulbiyow, 2-Badhaadhe, 3-diif, 4-Taabto, 5- Dhoobley, 6- Afmadow, 7- Xagar, 8-Bibi, 9-Qooqaani, Dhammaan waa 9 tuulo laakiin mid hoos timaadda oo laga xukumo magaalada Kismaayo kuma jirto, Sababtoo ah 2 ka mid ah ayuu Maxamed Siyaad Barre u magacaabay degmo waxayna kala yihiin: Afmadow iyo Badhaadhe marka 7da kale 2daas ayey hoostagaan

Majeerteen (Daarood) isagu magaalada Kismaayo ayuu daggan yahay tuulo uu gooni u deggan yahayna kuma taallo Jubbada Hoose, in yar oo kaluumaysato ayaa la deggan Axmed Adan oo Galljecel ah tuulooyinka Kudhaa iyo Istanbuul, kuwa yar oo lo’ gatay si ay deegaan u noqdaanna ayaa Cawr-male Buulo Xaaji la daggan, qabaa’ilka kale ee Daaroodka magaalada Kismaayo un bay deggan yihiin ee baadiyaha ma deggana. Ogow 7 tuulo ayuu hawiye ku leeyahay Jamaame (caasimaddii Jubbada hoose xilligii talyaaniga), Daaroodna isagu Jamaame tuulo kamaba daggana, haddii xaalku sidaas yahay, yaa Kismaayo deegaan u ah Hawiye iyo Daarood? Dadka Hawiyaha ah ee ilaa iyo 1992 xerada IFFO dagganse xaggey kaxoo qaxeen?

Bulshada Soomaaliyeed waxan ka codsanayaa inay keenaan hal tuulo oo uu Absame (Ogaadeen iyo adeerkiis) leeyahay ama Majeerteen leeyahay oo laga xukumo Kismaayo illeyn waxa la isku haysto waa Kismayo e, iska sheegona waxba tari meyso e.

Ogow la iskuma hayo in daarood magaalada kismaayo wax ka daggan yahay ee waxaan ka hadlayaa tuulo kismaayo hoos tagta.
Beesha daarood waxaan leeyahay keena hal Tuulo oo ay Daarood leedahay oo laga xukumo Kismaayo, bal isweydiiya magaalo malagu milkiyaa gudaheeda ayaan dagganahay dadka deegaanka ah ee aad sheegtaanse sidey degaan Kismaayo ku noqdeen haddaysanba hal tuulo ku lahayn Kismaayo? haddiise Hawiye uu 28 tuulo oo Kismaayo laga xukumo leeyahay maxay Daarood u  sheeganaysaa Jubbada Hoose oo  Axmed Madoobe iyo beeshiisa u maamulayaan isuguna gaar yeelayaan.

Daaroodka heysta Kismaayo gaar ahaan Ogaadeen iyo Majeerteen waxay inta badan ka yimaadeen Killilka 5aad iyo degaannada Puntland, waxay maqleen dhulka jubbooyinka ayay beeshiinu dagtaa mana is weydiinin yaa la daggan.

Haddaba Haddii Jubbada Hoose tahay degaan Hawiye dowladda dhalanaysa waxaan ka codsanaynaa in degaankaasi dadkeeda u soo celiso, madaxweynaha haatan xilka ka degaya ee Ogaadeenka garab siiyey kana hiiliyey Hawiye  waddada uu qaaday yaanu madaxweynaha cusub ee la doornaya qaadin.

Nagala soo xiriir

wararka@gaaljecel.com

Comments || Hoos ku qor aragtidaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone