Baaq uu soo saaray afhayeen u hadlay beesha Gaaljecel

Afhayeen u hadlay beesha Gaaljecel ayaa shabakadda Gaaljecel.com u sheegay deegaanno badan oo ay degaan beesha Gaaljecel ay ka jiraan abaaro, wuxuuna xusay in degaannada ku yaala Waqooyiga Wanlaweyn, Galbeedka degmada Jowhar, Galbeedka Hiiraan, Bariga Bay iyo Bakool, Gobollada Jubbooyinka ilaa Deegaanno ka tirsan Dhulka Soomaalida Itoobiya.

Waxa uu afhayeenkani sheegey in dadkii degenaa deeganadaas ay ka dhamaadeen xoolihii iyo waxa ay cuni lahaayeen isagoo sheegay in ay halkaas ku haysato Macluul aad u daran, wuxuuna xusay in qaar ka mid ah dadkaas ay isugu soo urureen Tuulooyinka iyo magaalooyinka.

“Dadka ugu badan ee tahriibka u baxa waxay u badan yihiin dadkaas oo xoolihii ay dhaqanaayeen ka baabe’een” ayuu yiri afhayeenka oo intaa ku daray in dadka ku soo aruuray Tuulooyinka ay u badan yihiin Haween, Caruruur iyo Odoyaal, isagoo sheegay in dhalinyaradiina ay ka tageen, badankoodna ay Badda ku dhammaadeen, sida uu yiri.

Waxa uu codsi u soo jeediyay Hay’adaha samafalka iyo Jaaliyada Beesha gaaljecel ee ku noo dibadaha in ay gargaar la soo gaaraan dadkaas, si loo samatabiyo, isagoo xusay in aysan jirin wax Hay’ad samafal ah oo tegay degaannada beesha Gaaljecel ee abaaruhu halakeeyeen.

Waxa kale oo uu sheegey in xoolaha ku harey deeganada ay beeshu degto ay qarka u saaran yihiin in ay u baaba’aan Biyo la’aan iyo Baad la’aan, wuxuuna sheegay in indhihiisa uu ku soo arkay Geel fadhiistay oo gaajo awgii la istaagi waayay.

W/Diyaariyey: Cali Muumin

Comments || Hoos ku qor aragtidaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone