Degaan ka tirsan Gobolka Hiiraan oo dhimasho iyo macaluul ba’ani ay ka jirto

Degmooyin iyo tuulooyin ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dilaacay cudurka shuban biyoodka kaasoo sababay in dad badani u dhintaan kuwo kalena ay la macluulsan yihiin.

Inta la xaqiijiyay Shan qof ayaa cudurkaasi shuban biyoodka ugu geeriyooday degmada Jalalaqsi ee ka tirsan degmooyinka Gobolka Hiiraan, iyadoo 20-ruux kalena ay la ildaran yihiin.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow ayaa xaqiijiyay dhimashada Shantaas ruux, isagoo sidoo kale shaaciyay in dadkaasi ay u dhinteen Cudurka Shuban biyoodka , sidoo kalena ay u ildaran yihiin 20 ruux kale.

Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaan laheyn isbitaal lagu daryeelo dadka bukaanka marka laga soo tago xarumo Caafimaad oo gaar loo leeyahay  oo ka jira degmada kuwaasoo lacago fara badan dadka bukaanka ah looga qaato.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi  Maxamed Cabdulle Fiidow ayaa sheegay in Maamulka Hirshabeelle iyo dowladda dhexe looga bahan yahay in ay caawiyaan dadka uu soo ritay cudurka shuban biyoodka isla markana ay la soo gaaran daawooyin lagula tacaalo dadkaas, isagoo xusay in ay marba marka ka dambeyso sii kordheyso tirada dad ee uu cudurkaasi soo ridayo.

Comments || Hoos ku qor aragtidaada

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone