Madaxda maamulka Hir-shabelle oo looga yeeray Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Jowhar ka ambabaxay wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre oo ay weheliyaan qaar kamid ah xildhibaannada Baarlamaanka maamulkaas.

Wafdigaas ayaa u ambabaxay magaalada Muqdisho oo looga yeeray, waxaana  horey Muqdisho u sii joogay  Madaxweynaha Maamulkaasi Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen.

Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Hirshabelle Canab Axmed Ciise iyo xildhibaano kale, waxaana la sheegayaa in Muqdisho ay uga qeyb galayaan munaasabad loo qabanayo xildhibaanada Aqalka Hoose ee lagu soo doortay caasimadda maamul goboleedka Hirshabeelle.

Comments || Hoos ku qor aragtidaada

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone