Madaxda Maamulka Gobolka Hiiraan oo rajo wanaagsan ka muujiyay xal laga gaaro dagaalada Gaaljecel iyo Jajeele

Iyadoo magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay ka socdan kulamo lagu dhexdhexaadinayo beelaha Gaaljecel iyo jajeele oo dhawan ku dagaalamay galbeedka magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhanka kale rajo wanaagsan ka muujiyay Maamulka gobolka Hiiraan oo sheegay in ay aad u wanaagsan tahay waanwaanta laga dhex wado labadaasi beelood.

Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Hiiraan Salaad Xassan Cabdi ayaa sheegay in waxgaradka iyo maamulka gobolka ay u istageen sidii xal waara looga gaari lahaa dagaalada soo laalaabtay ee dhowr  jeer labadaasi beelood ku dhex maray Xaafadda holwadaag magaalada Baladweyne  iyo deegano ka tirsan gobolka Hiiraan.

“Rrajo aad u wanaagsan ayaan ka qabnaa inaysan mar kale dagaallamin Labadan beelood, sidaasi darteed waxaan rabnaa annaga iyo waxgaradka gobolka inaan soo afjarno colaaddan” ayuu yiri xoghayaha maamulka gobolka Hiiraan.

Magaalada  Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiran ayaa waxaa muddo labo Todobaad ka fidsan  gogol lagu dhexdhexaadinayo labadaasi beelood ee dhawaan ku dagaalamay deegano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Dagaalo dhowr ah ayaa dhex maray labadan beelood,  dhowr mar ayaana heshiis la dhax dhigay  balse ma noqon kuwo guulaysta, haatan inkastoo rajo wanaagsan laga muujinayo inuusan mar dambe dagaal ka dhex oogin haddana lama oga waxa heshiisiintani ku dhammaan doonto.

Comments || Hoos ku qor aragtidaada

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone