Maxaad kala socotaa halka uu marayo heshiisiinta beelihii ku dagaalamay magalaada Baladweyne?

Sida uu sheegay Afhayeenka Guddiga dib u heshiisiinta beelihii dhawaan ku dagaalamay galbeedka  gobolka Hiiraan Nabadoon Maxamed Cabdi Maxamuud ayaa sheegay in heshiiska ay dhex dhigeen labada beelood ee walaalaha ah uu meel wanaagsan u maraya, rajadiisuna ay 100% friican tahay.

Waxa uu afhayeenku sheegay in guddigooda ay kormeereen deegannada la kala dejiyay maleeshiyaadka labada dhinac, isla markana ay ku rajo weyn yihiin in xal dhammeystiran laga gaaro colaadda soo noqnoqtaya ee u dhexeysa labada beelood.

Waxa kale oo uu afhayeenku sheegay in goobihii lagu dagaalamay aysan wax maleeshiyo ahi joogin, uuna dhaqan galay heshiiskii maleeshiyo kala qaadinta iyo  joojinta rasaasta, wuxuuna xusay in inta heshiis dhab ah laga gaarayo wadahadal toos ahna la isugu imaanayo aysan beeline ku xadgudbin beesha kale.

“Rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa in colaaddaa labada beelood aysan mar kale soo laaban, waayo labada beelood waa labo beelood oo isla dhashay, isna dhalay, waxaana rajeynayaa in dib dambe colaaddooda aysan u soo laaban” ayuu yiri Nabaddoon Maxamed Cabdi Maxamuud.

“In heshiisku dhaqan galo ayaan mar waliba kormeer ku samaynaynaa, beel waliba way naga ogolaatay in ay heshiiska qaadato, walaayadana Guddiga ayay u dhiibteen, weyna na adeeceen” ayuu yiri afhayeenka oo intaas raaciyay in saacadaha soo socda guddigu ku dhawaaqi doono go’aannadii ugu dambeeyay ee heshiiska labadaasi beelood laga gaaray.

Beelaha Gaaljecel iyo Jajeele oo ah beelaha ku dagaalamay Galbeedka Hiiraan colaaddooda marar badan ayay soo laalaabatay ayaa  waxaa jiray heshiisyo iyo nabadeyn horey loo dhex dhigay, heshiisyadaasoo qaarkood ay goobjoog ka ahaayeen Ugaasyada iyo Nabaddoonnada labada beelood, balse dhammaan heshiisyadaasi waxa ay ku dhammaadeen burbur iyo fashil haatanna lama oga waxa ay ku dambeyn doono  heshiisiintan ay labada beel ka dhex wadaan  dhammaan nabaddoonada iyo waxgaradka beelaha kala duwan ee dega Gobolka Hiiraan oo iyagoo aan u kala harin u istaagay heshiisiinta iyo joojinta colaadda labada beelood ragaadisay.

Comments || Hoos ku qor aragtidaada

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone